Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogagaminayo ayaa Maanta gaarey Magaalada Boosaaso halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
ujeedada safarka Axmed Madoobe u tegay Boosaaso ayaa lagu sheegay inay halkaasi kulan wadatashi ah oo ay looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka & Arrimaha doorashooyinka soo socda kula qaato madaxweynaha maamulka puntland.
Safarkani ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu Axmed Madoobe uu ku tago deegaannada Puntland tan iyo markii dib loo doortey.