Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ku Xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR Adam Abdelmoula.
Kulankani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir.
Kulankani ayaa waxaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowlada hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca amniga iyo dib ud hiska Caasimada.
Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR.Adam Abdelmoula.