Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kunyo Barrow ee Gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse aysan shaacin Magacyadooda.
Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helayo duqeymaha ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka shabeelada Hoose.
Mudooyinkii dambe ayaa diyaarado dagaal waxaa ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolada dalka qaar oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Shalayay ayay aheed Markii Saraakiisha Ciidanka Dana bee Maraykanku tababaray ay sheegeen in Sarkaal Al shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ay ku dileen Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Majirto Wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al shabaab oo ku aadan weerarada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay ka fulisay Gobolka shabeellaha Hoose.