Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Sahabaab weerar dhowr jiho ah ay ku qaadeen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan oo ay qeyb ka ahaayeen madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinac.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga oo ka tirsan Afgooye.
Qaar ka tirsan dadka degan demada afgooye oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegay in ay ku dhinteen dagaalkaasi aska ka tirsan ciidamada dowlada oo kolkaasi ku sugnaa barta weerarka uu ka dhacay.
Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.