Maamulka Putland iyo Jubaland oo Kulan Wadatashi uga Furmay Magalada Bosaso

0
102

Shirka Iskaashiga maamul goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta ka furmey Madaxtooyada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo ay si wadajir ah ugu kulansan yihiin Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi Deni.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir u furay shirka, waxaana ka qeyb ah xubno ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro kala socda labadda maamul iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Puntland