Masiibada ka taagan gobolka shabelaha hoose oo aan xal loo heli karin ilaa iyo dadka deegaankaas degan ay u istaagaan xuquuqda ay ku leeyihiin gobolka ay degaan.
Waxaa wax lala yaabo ah in dhamaan ciidamada ka howlgasha gobolka shabelaha hoose taliyeyaashooda ay yihiin kuwa kasoo jeeda gobolada kale ee dalka, Taasi ayaana daliil u ah in gobolka uu marwalba ku sugnaado xaalad amni daro ah.
Bal nala arka teliyeyaasha ciidanka ee ka howl gala gobolka shabelaha hoose.
Taliyaha Guutada 7aad Gashanle dhexe Cumar cabdiraxmaan.
Beesha Abgaal
Abaanduulaha guutada 7aad Gashanle salaat fiiqoow.
Beesha Gaaljecel
Sadaxda Urur ee Hoos tagta Guutada 7aad iyo fadhiyadooda
1- Ururka 54aad fadhigeedu Balidoogle ilaa Sharey,
waxaa Taliye ka ah Gashanle Cabdule Cali mire
Beesha Habargidir
2- Ururka 35aad oo ayana fadhigeedu yahay Shareey ilaa Warmaxan,
waxaa Taliye ka ah Gashanle Maxamed Cabdule
Beesha Abgaal
3- Ururka 64aad oo isna fadhigiisu yahay Degmada Afgooye ilaa Doonka
Waxaa taliye ka ah laba xidigle Halac
Beesha Habar gidir.
4- Ururka 4aad Danab fadhigedu yahay Balidoogle, waxaa Taliye ka ah xidigle Maxamed Adan suleymaan.
Beesha Majeerteen.
Maxaa diidey in talliyeyaasha lagu daro amaba laga dhigo dadka deegaanka si ay amnigooda u sugtaan?