Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax goor dhow uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil .
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida ay sarakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda u xaqiijiyeen warbaahinta, Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad ee Gobolka Banaadir Cabdiwali Fanax iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Meesha uu Qarax ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Injineero Turki ah oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, wuxuuna qaraxa ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari Homey.
Qaraxa ayaa la sheegay inuusan wax khasaaro ah u geysan Injineeradii Turkiga ahaa ee la rumeysan yahay in loola dan lahaa Qaraxa inkastoo ay dhibaato kasoo gaartay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo dad Shacab ah.