Alshabab oo Lagala Wareegay Deegaano Hoos Taga Gobolka Jubada Hoose

0
65

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ayaa waxaa la sheegay inay Ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegen in Ciidamada DANAB oo ay wehlinayeen ciidamada Jubbaland ay howlgal kula wareegeen deegaano u badan dhul howd ah oo u dhow degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Idiris Kuusow Sheekh Cabdi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada deegaannada ay la wareegeen ay kamid yihiin deegaannada Araare iyo Maleeleey, halkaas oo uu sheegay inay muddo ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadu ay ka warheleen inay Al-Shabaab qorsheynayeen weeraro ka dhan ah, sla markaana howlgalkii ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.