Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Injineero u dhashay dalkaas shalay lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabelelaha Hoose, qaraxaas oo ay waxyeelo kasoo gaartey muwaadiniin Turki ah.
Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga aysan hakin doonin weerarada lala beegsanayo muwaadiniintooda ku sugan Soomaaliya howlaha gargaarka ay ka wadaan dalka somaliya, isla markaana ay siiwadi doonaan.
28-kii Bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 ayay eheyd kolkii qarxa ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ay sidan oo kale waxyeelo kasoo gaartey muwaadiyiin turki ah.
Dowlada turkiga ayaa horey qaraxyadan ugu eedeysay in ay ka dambeeyaan wadanka Imaaraadka oo dagaal hoose kula jira dowlada turkiga.