War-murtiyeed ayaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland, shirkaas oo magaalada Bosaso ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.
War murtiyeedka ayaa loogu baaqay aqalka sare inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu keeni lahaa dowladda federalka iyo maamulada xubnaha ka ah, si loo helo xal lagu wada shaqeyn karo.
Puntland iyo Jubbaland waxay ka digeen in dowladda federalku siyaasadayso mashaariicda horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo sheegay tilaabadadaas inay sii murjin karto xaalada dalka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in xoriyadiisa loosoo celiyo wasiirka amniga Jubbaland oo u xiran dowladda federalka lana joojiyo caburinta lagu hayo dowladdaha xubnaha dowladda federalka.