Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.
kulankani ayaa ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota gobolka banaadir, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed laga soo saarey kulankaas.
Kulanka kadib ayaa gudoomiyaha obolka banaadir Cumar Filish iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayaa si Wadajir ah u daahfuray mashruuca Saanqaad oo ah mid mashruuc cusub oo logu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda.