Aqri Warqad Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga oo Lagu Kala Diray Maamulkii Rugta Ganacsiga

0
174

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaa Federaalka Somaliya ayaa maanta amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.