Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan siin doonin Shahaahada dugsiga Sare hadii aysan galin Imtixaanka dowlada dhexe ee Somaaliya Ardayda degaanada Puntland.
Waxaa uu si cad u sheegay Puntland haddii aysan ka qeyb galin imtixaanka dowladda federalka in ardaydooda aan lasiindoonin wax shahaado ah, sidaadarteedna loo baahan yahay in ay isku filnaadaan.
Hadalka Wasiirka ayaa dab ku shiday khilaafka waxbarashada ee ka dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland ka dib markii uu fashilmay wadahadallo ay waddeen xubno ka mid ah Aqalka Sare.
Puntland waxay ku eedeysay dowladda federalka inay dagaal kula jirto nidaamka waxbarashada ayna qoraalo u dirtay wadamo badan oo Puntland siiya deeqo waxbarasho, si looga joojiyo.