Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa Xukuumadda Maamul gobolleedka Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in dowladdu afduub ku sameysay doorashada Galmudug.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guud ahaan marka la eego mustaqbalka Galmudug uu u muuqdo mid mugdi sii-galaya iyaga oo sheegay in ay dhisi doonaan maamul cusub oo dadka reer Galmudug u dhan yihiin.