Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay 27-kii bishan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, islamarkaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas duqeynta ah ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo tiradooda aan la shaacin, islamarkaana sidoo kale aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayid ah, sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Bradford Gering.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.