Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Ka Hadlay Cafinta Deymaha Lagu Leeyahay Somaliya

0
59

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir jaraa’id uu xaafiiska ku qabtay ka warbixiyay qorshaha hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo.

Wasiirka ayaa sharaxad dheer ka bixiyay deymaha faraha badan ee Soomaaliya lagu leeyahay, Hey’addaha iyo dowladdaha ku leh, taarikhda la siiyay Soomaaliya, iyo cadadka lacagta lagu leeyahay Soomaaliya guud ahaan.

Wasiir Beyle ayaa dhanka kale ka hadlay shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaasi oo u dhaxeeyay Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu fallanqeyeeyay hannaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka aya sheegay in shirkaas lagu qaatay go’aanka ah in Soomaaliya ay ka soo baxday sharuudihii ku xirnaa hannaanka loo marayo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaliya ayaa rajaynaysaa in go’aanka wayn ee shaacinta qorshaha deymaha faraha badan ee lagu leeyahay looga caafiyo la gaari doono bisha Febraayo ee sanadkaan.