Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dhismaha Maamulka Galmudug ee soo ifbaxay markii lasoo gaaray marxaladdii gabagabada.
Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay go’aan-sameeyeyaasha in ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal iyo in ay raacaan hadafka ah in la helo maamul goboleed Galmudug oo midaysan.
“Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka golaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, daneeyayaasha ku kulansan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka ah ee goob-joogayaasha ka ah geedi-socodka inay isla qaataan hanaan loo wada dhanyahay oo daah-furan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Khilaafka ka taagan dhismaha maamulka Galmudug ayaa ah mid ay xukuumada qeyb weyn ka qaadatey qalalaasaha halkaasi ka taagan oo ilaa iyo hada xal loo helin, Taasoo laga yaabo in maamulka galmudug uu yeesho dhowr madaxweyne sida ay hada ahlusuna ugu dhawaaqday mid.