Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, oo shalay Xubno Xildhibaano ay soo xusheen Ahlusunna u doorteen Madaxweyne ayaa ka hadlay howlaha doorashooyinka Galmudug ee ka socda Dhuusamareeb iyo khilaafka hareeyey doorashada.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir in hoggaanka Ahlusunna ay raadinayaan midnimada Galmudug,isla markaana ay dhiseen Galmudug dhameystiran loona baahan yahay inay dowladda taageerto.