Golaha Aqalka Sare oo Maanta Meelmariyey Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0
61

Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee dowladda Federaalka.

27 Senatar ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in uu meelmaro sharcigaan, kadib markii guddiga Ka- Baraandegista sharciga Doorashooyinka uu akhrin kusoo sameeyay sharcigan.

Sharciga doorashooyinka ayaa kamid ah sharciyada khilaafka uu ka taagan yahay oo ay diideen Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa sharcigaan lagu maamulidoonaa doorashooyinka qaran ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacaan 2020/2021.