Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamul Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan duleedka degmada Beled-Xaawo ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin toos ah ku heyso Gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda ay geysay,isla markaana degmooyinkii Amniga ahaa laga abuurey khalqal gelin iyo amni darro.
Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtey ayuu ku sheegay in Xildhibaannada labada Aqal iyo Beesha Caalamka iyo dhamaan dowladaha taageera Soomaaliya ay dib u eegaan howlaha ay wadaan Madaxda Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay bur burinayaan Maamul Goboleedyada.