Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa ku gacan seyray dalab kaga yimid Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.
Abiy Axmed ayaa waxaa uu madaxweynaha maamulka jubland ka dalbaday in uu yimaado magalaada Adisababa si loo wada hadal siiyo madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan Adis ababa.
Axmed Islaam Madoobe ayaa shuruuda ku xirey tegista magalada Adis ababa taasoo ah in marka hore Xanibaada dhinaca hawada ah taasoo keentey in ganacsatadii ay ku adkaato inay keenaan alaabihii uga iman jiray magalada muqdisho.
Axmed madoobe ayaa waxaa kaloo uu sharuud ku xiray in Dawlada ay qaadato khaladaadka muuqda ee Jubbaland ka gashay kana bixiso mag dhaw dadka intii Xanibaadaas jirtay dhibta soo gaartay.
Si kastaba arintu ha ahaatee Axmed Madoobe yaan waxx kalsooni ah ku qabin dhexdhexaadinta ay itoobiya rabto in ay dhexdhexaadiso maamulka Jubaland iyo kan dowlada taasoo sabab u ah itoobiya gacansaarka ay la leedahay maamulka Farmaajo.