Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan labbada Gole ee Maamul Goboleedka Jubbaland iyo dadwaynaha magaalada Kismaayo.
Axmed Maodobe ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo kala duwan la qaatey Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiin saameyn ku leh Soomaaliya.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta markii uu soo gaarey Magaalada Kismaayo waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.