Laba Baabuur oo Kuwa Xamuulka ah oo Lagu Gubay Deegaano ka Tirsan Gobolka Lamu

0
96

Weeraryahano loo badinayo in ay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu.

Wakiilka Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kooxdii weerartay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa mid kamid ah gawaarida xamuulka ah, taasoo sababay in gawaaridu gubato.

Shaqaalihii la socday gaariga ayaa ka baxsaday falkaan kadib markii ay ka boodeen gaariga ka hor intaanu dhibaatada soo gaarin.

Mr Macharia wuxuu sheegay in ilaa afar nin oo aad u hubeysnaa oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ay fuliyeen weerarkaan gaadmada ka dibna ay u carareen keynta u dhaw goobta.