Ciidamada Maamulka Jubaland iyo Ciidamo Ilaalo u ah Seeraar oo Maanta Ku Dagaalamay Magalada Kismaanyo

0
54

Wararka aynu maanta ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegayaa in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal socdey mudo saacado ah kaasoo u dhexeeyey Ciidamo uu taabacsan Seeraar iyo Ciidamada maamulka jubaland, Balse ay hada caaladu tahay mid degan.

Ciidamada taabacsan Seeraar ayaa la sheegayaa in ay difaac ka galeen Agagaarka Gurigiisa oo ku yaalla isgoyska Siinaay halkaasi oo ku dhow hoyga uu degan yahay Seeraar.

Dhinaca kale ciidamada Jubbaland ayaa lagu arkayaa waddooynka muhiimka ah Ee Magaaladaasi iyagoo kusugan.

Dhinaca kale Laamaha amniga Jubbaland ayaa weli ka hadlin wixii shaqaadii maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Weli lama sheegin qasaaraha dhabta ay ee ka dhashay shaqaaqadii maanta ka dhacday magalada kismaanyo.