Kulan Looga Hadlaayo Maqaamka Gobolka Banadir oo Ka Furmey Magaalada Muqdisho

0
49

Kulan Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee Dowlada federaalka somaliya loogana hadlayo Maqaamka Muqdisho iyo kaalinta kaga aadan dib-u-eegista Dastuurka Qaranka ayaa ka furmay ayaa ka furmay magaalada Muqdisho

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan federaalka somaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.