Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweyne u dhexeeya dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga hadlayo arrimaha garsoorka iyo cadaalada dalka.
Shirkaan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda cadaalada, kaasoo la qabanayo sanadkii 2-aad.
Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah caqabadaha ka jira garsoorka, hufnaanta cadaaladda iyo waxyaabihii ka qabsoomay ballan qaadyadii hore.
Shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa 2020-ka kusoo aadaya, iyadoo ay weli caqabado badan ay ka jiraan dhanka garsoorka , gaar ahaan maxkamadaha dalka.