Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggoominayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend.
Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend ayaa waxaa ay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada, iyo wada shaqeynta Taliska Africom iyo Puntland.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend oo uu wehlinayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa safar noocan oo kale waxaa ay ku tageen magalada kismaanyo halkaas oo ay kula soo kulmeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Taliska guud ee ciidanka mareyka ayaa inta badan waxaa ay ka shaqeeyaan sidii ay somaliya iyo maamul goboleedyada uga caawini lahaayeen la dagaalanka alshabab.