War goordhow aynu ka helney Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax Bam Gacmeed uu ka dhacay meel u dhow Xarunta Maxkamadda Magaaladaas.
Qarax bam oo Maanta ka dhacay goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku dhow Maxkamadda Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen ilaa iyo afar ruux.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ay sameeyeen howlgallo kala duwan, isla markaana ay xiraan hal Ruux oo laga shakiyey.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ciidamo fara badan oo ay geysay dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlusunna oo dowladda Soomaaliya ku khilaafsan doorashadii ka dhacday Magaaladaas.