Madaxweynaha Dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo iyo faragelin uu sheegay in dowladda Kenya ku heyso Arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo Wareysi siiyey Tv-ga Universal ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta Xaduudaheeda sidaasi darteedna ciidamada loo geeyey gobolka gedo.
Dhanka kale isaga oo ka hadlaya faragelinka kenya ku heyso somaliya ayaa waxaa uu sheegay in kenya ay qalalaaso badan ku heyso somaliya iyadoo adeegsaneysa qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamul goboleedyada.