Ciidamo ka tirsan dowlada oo qarax lagula beegsaday deegaanka dharkanleey

0
54

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa qarax miino ah lagula beegsaday ayagoo maraya xaafada xoosh ee degmada dharkanleey ee gobolka banaadir, kaasoo geystey dhimasho iyo dhaawaca.

Gaariga ay la socdeen ciidamada oo ahaa nooca dagaalka ayaa la sheegay in in ay ku dhinteen 3 ruux halka dhaawacana uu kor u dhaafay 5 ruux.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gurmad ku fidiyay ciidamada kale ee waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

Ururka Al-shabaab ayaa war ay soo daabaceen bogagga Internetka waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada Qaraxa ka dhacay degmada Dherkeenley.

Dhanka kale ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxan.