Masuul ka tirsan maamulka gobolka banaadir oo lagu xukumay 3 sano oo xarig ah

0
66

Maxkamda ciidmada qalabka sida ee Soomaliya ayaa ku xukuntay ku simahihii agaasimaha shaqada gobolka banaadir Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah,

Maxkamada ayaa shegtay in xukunkiisa uu ku mutaystay kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta ee la marsiiyo dadka ka hara Alshabaab.

Maxkamada ciidmada ayaa sidoo kale siidaysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamisay Xarunta Gobalka Banaadir.

Xukunkan ayaa waxaa uu salka ku hayaa dad horey loogu soo qabqabtey qaraxii ka dhacay xarunta gobolka banaadir ee uu ku dhintey gudoomiyihii hore ee gobolka alaha u naxaristee Ing Yariisow.