Wararka aynu ka helayno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu duleedka degmada Baardheere ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada ku lahaayeen duleedka Degamada Baardheere, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka ka dhacay halkaasi uu geystay khasaaro.
Dhanka kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in dagaalka ay sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya oo ku sugan qeyb kamid ah Saldhiga la weeraray, Isla markaana tiro madaafiic ah ay rideen intii uu dagaalka socday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Gobolka Gedo oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegey inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, Isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.