Maamulka Puntland oo Amar Kusoo Rogey Shirkadaha Ka Shaqeeya Xajka iyo Cumrada

0
96

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in si ku mel gaar ah loo hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada maamulka puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa lagu hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ilaa iyo inta laga hubinaayo habsami u socodka howsha ay hayaan Shirkadahaas.