Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir uu isugu yeeyay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, kaasoo looga hadlay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Kulanka oo ka dhacay xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeybo galay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka.
Ra’iisul wasaare Khayre oo madasha ka hadlay ayaa faray dhammaan wasiirada iyo taliyeyaasha ciidamada kulanka ka qayb galay inay dar-dar geliyaan dadaallada lagu diyaarinayo howlgallada cusub ee ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.
Gabagabada shirkan oo looga hadlayey amniga, gaar ahaan howlgallada ciidamada ayaa laga soo saaray go’aano ku aadan dagaalka Al-Shabaab, iyada oo la’isla gartay in sida ugu dhaqsaha badan lagu dhameystiro qorshaha Al-Shabaab looga saaro dalka.