Wefdi ay hogaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ibraahim Xiliimo Yareey ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Ujeedka wafdigan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay arrimo la xiriira howlaha Doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xiliimo Yareey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Arrimaha Doorashooyinka ay kala hadli doonto Madaxda maamul Gobooleedka Galmudug iyo saraakiisha Ciidamada.
Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin wafdigaan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Buslahada halkaas ku dhaqan.