Warqad goor dhow kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu hakiyey bixinta rukhsadaha ama diiwaan gelinta shirkadaha ka shaqeeya adeegga sarifka online-ka ee loo yaqaan Forex.
Warqadan ayaa lagu xusay inay tixraac u tahay warqad horay uga soo baxday xaafiiska guddoomiyaha Banka Dhexe ee Soomaaliya, taasoo looga hadlayey ruqsad siinta shirkadaha sarifka online-ka ee Forex.
Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish ayaa agaasimaha amray inuu soo gudbiyo liiska shirkadaha Forex-ka ee horay uu u diiwaan geliyey maamulka gobolka Banaadir, sida ku qoran lqoraalka “go’aan looga gaaro”.