Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Amar Kusoo Rogey Gudoomiyeyaasha Degmooyinka

0
123

Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo uu shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo akhriyey qodobadii kasoo baxay Shirkaas ayaa sheegay in sidoo kale guddoomiyeyaasha la amray inay wax ka qabtaan dadka Guryaha ka dhisanaya wadooyinka dhexdooda, isla markaana ay sameeyaan howlgallo burburin ah.