Madaxaweyaha Dowlada Federaalka oo Maanta Saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0
40

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dardar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.