Reysulwasaare Kheyre oo Sheegay In Dib u Habeyn Lagu Sameyn Doono Cadaalada Dalka

0
55

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay maalintii la asaasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xuska oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee ku taalla Ex-Control Afgooye, ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul wasaaraha dalka, wasiirro, xildhinaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeeyay qaybaha kala duwan ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo dhammaan xubnihii kasoo qayb qaatay jiritaanka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxa uu khudbaddiisa kusoo hadal qaaday arrimaha cadaaladda dalka, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu ay dib u habayn ku samayn doonto, si lamid ah dib u habayntii ay dowladdu ku sameysay ciidamada militeriga Soomaaliya.