Dowlada Somaliya iyo Hay’ada WFP oo Heshiis Kala Saxiixday

0
69

Dowladda Soomaaliya iyo Barnaamijka Cuntada Aduunka ee loo soo gaabiyo (WFP) ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah kaas oo Dalka dhan loogu sameynayo xarumaha digniinaha xilliga hore ee halis wadareedyada.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa iyo Madaxa ugu sarreeya hey’adda qeybteeda Soomaaliya Md. Ceysar Arroyo ayaa labada dhinac u saxiixay heshiiska.

Heshiikan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa loona abuuri lahaa xirfadda iyo agabka loo baahan yahay si Soomaaliya ay awood ugu yeelato in laga sii digo qataraha musiibooyinka ka hor inta aanay dhincin’

Isfahamka ayaa dhigaya in dhammaan Maamul Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumaha sii darsa halis-wadareedyada bixiyana digniinaha ka hor inta aanay qatarta soo dhawaan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya waxa uu sheegay in sameynta xarumaha ka sii digo qataraha ay dowr weyn ka cayaari doonto in la xakameeyo qasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca.

Dhinaca kale Agaasimaha WFP Soomaaliya Ceysar Arroyo ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Wasaaradda dhinacyada dhismaha kaabayaasha loogu tala galay maareynta iyo yareynta qattaraha musiibooyinka.

Arroyo ayaa sheegay in heshiiska oo socon doono muddo lix bil ah ay ka shaqeyn doonaan sidii uu u soo saari lahaa xirfadlayaal iyo xarumo awood u leh in ay sii saadaaliyaan kana sii digaan halis- wadareedyada.