Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo Sheegay In Howlgalo Laga Fuliyey Deegaano Ka Tirsan Gobolka

0
85

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay faah faahin Guud ka bixiyeen howlgal Saacadihii la soo dhaafay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay howlgal ka fuliyeen deegaannada, Baladul amiin, Tooratooroow, Macalinka, Buulo Bashiir, Iyo degaano kale oo hoosyimaado degmada Aawdheegle iyo degaanada Bariire, iyo Sabiid Caanoole.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in howlgalladaas ay ahaayeen kuwo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidanka DANAB ay nolosha ku qabteen Lix Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen waa sida uu hadalka u dhigay.

Howgalkan uu sheegay gudoomiyaha gobolka in laga sameeyey gobolka shabelaha hoose ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Xerada Ceel Saliini, iyaga oo soo bandhigay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen weerarkaas.