
Shir Jaraa’id ee uu maanta qabtay Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa digniin loogu diray Ganacsatada Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay inay ganacsatada uga digayaan inay sare u qaadaan maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa’iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka CoronaVirus ama COVID 19.
Taliyaha ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo dharcad ah oo la socon doono dhaq dhaqaaqa suuqyada kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
General Bariise ayaa waxa uu sheegay in cidii ay ciidamadani ku soo qabtaan sare u kac la xiriira sicirka ganasiga magaalada ay sharciga la tiigsan doonaan, isla markaasina la maxkamadeyn doono.