
Guddi ka kooban 13 xubnood oo isgu jira Wasiiro & Xildhibanao ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta u ambabaxeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, waxaana kamid ah, Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo Xubno kale.
Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay la kulmi doonaan hogaamiyaha maamulka koonfur gallbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen), iyaga oo kala hadli doona tabasho ay ka qabaan saamiga Beelahooda laga siiyay kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Safanka xildhibaanadan ayaa ka dambeysay kadib kolkii maalintii daraad ay ku shireen magalada muqdisho ayagoo kulankaasi kaga doodayey in saamigii ay sheegeen in ay ku lahaayeen maamulka koonfur galbeed ay halkaasi ka waayeen sidaas darteedana aysan macquul ahay.
Si kastaba arintu ha ahaatee dad badan o kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa qaba in numbarka hada la siiyey beelaha hawiye ay qalad aheyd sababtoo ah dad badan oo deegaanka degen degmooyin iyo tuuloon ku leh ayaan la siin xaqii ay ku lahaayeen koonfur galbeed macaadalaahi dad intooda badan ku yimid isbaaro.