
Warar goordhaweyd aynu ka helney degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax miino loo dhigay Kollonyo gaadiid ah oo ay la socdey taliyaha Ciidamo Katirsan Booliska Degmada Afgooye.
Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in uu ku dhintey Taliyaha Saldhiga Afgooye C/qaadir Cusmaan Mursal iyo Seddex Askari oo ilaalo u aheyd.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye Cusmaan Carab oo la hadley warbaahinta ayaa xaqiijiyey in Weerarkaasi uu dhacay laguna dilay Taliyaha iyo Istaafkii la socday qaar.
Ma jirto warar dheeraad ah oo kasoo baxay qaraxaasi ama cid sheegatey walow inta badan qaraxyada halkaasi ka dhacay ay maleegaan xarakada alshabab.