
Waxaa soo baxaya dood ku saabsan sida loo soo xulayo ciidan ku jira Milateriga Soomaaliya oo loo qaadayo tababar muhiim ah oo ka dhacaya dalka dibadiisa.
Khilaafkaan ayaa salka ku haayo in ciidanka loo soo xulo qaab ku saleysan qabiil iyo in loo soo xulo nidaam kale oo u degsan ciidanka qaranka, gaar ahaan wasaaradda difaaca, balse waxaa diidan haweeney ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Tababarka ciidankaan oo ah mid casri islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan tiro kooban ayaa la qorsheeyay inuu dhawaan dibada ka dhaco balse waxaa dib u dhigay dood taagneed iyo cudurka Coronavirus, waxayna wararku sheegayaan in loo qaadi lahaa Turkiga halka warar kalane ay sheegayaa in loo qaadi lahaa Ruushka oo muddo dheer kadib billaabaya tababarka saraakiisha ciidamada Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhamaan la’a khilaaf iyo muran kala dhaxeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.