
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo weli ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa markii horreysay ka hadlay xiisada webiga Nile ee u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Masar.
Cawad ayaa cadeeyey mowqifka dowladda federaalka, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya dhex-dhexaad ka tahay khilaafka xoogan ee u dhexeeya labadaasi dal.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in fursada kaliya ee u furan dowladda Soomaaliyeed ay tahay inay isku soo dhaweyso labada dhinac.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka oo sii hadlayey ayaa daboolka ka qaaday in marnaba Soomaaliya loo yeerin doonnin go’aankeeda, siduu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale wuxuu beeniyey wararka sheegaya in Soomaaliya ay saxiixday qaraarkii ka soo baxay shirka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray dowladda Masar, balse la sheegay in markii dambe ay ka laabatay, kadib cadaadis uga yimid dhinaca Itoobiya, isagoo dhamaan wararkaasi gaashaanka u daruuray, kuna tilmaamay kuwa waxba kama jiraan ah.