
Wasiiro iyo xildhibaano deegaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo Hirshabeele oo maalintii shaley tegey magalada baydhaba si ay ula kulmaan madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis lafta gareen ayaa kusoo dhamaaday natiijo l,aan.
Siyaasiyiintan oo uu hor kacayey wasiirka amniga ee dowlada federaalka somaliya ayaa safarkooda waxaa uu salka ku hayey dacwad ku aadan tirada xildhibaanada beelaha hawiye laga siiyey maamulka koonfur galbeed.
Siyaasiyiintan ayaa dacwad u gudbiyey Cabdicasiis lafta Gareen wexeyna u sheegeen in aysan macquul eheyn in beelaha hawiye la siyo tiro intaas la’eg isla markaana aysan aqbali karin una baahan yihiin in xubnaha baarlamaanka la siiyey tiro dheeri ah loogu daro maadaama ay degen yihiin inta badan gobolada koonfur galbeed waa sida ay hadalka u dhigeen.
Cabdicasii Lafta gareen oo ka jawaabayey dalabkooda ayaa u sheegay in aysan macquul eheyn in tirada xildhibaanada la siiyey wax loogu daro looguna dari doori karin.
Cabdicasiis ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in uu dhibaato badan uu kala kulamay odayaasha dhaqanka koonfur galbeed oo dhankooda ku andacoonayey in aan wax xil ah laga siin shacabka reer koonfur galbeed ee degan deegaanada maamulada Hirshabeele, Galmudug iyo Gobolka Banaadir, Sidaas darteedna aysan munaasuab eheyn tirada hada la siiyey habooneydna in aan waxba la siin.
Dhinaca kale waxaa maanta la dhaariyey xildhibaanada baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed iyadoo si ku meel gaar ah gudoomiyaha baarlmaanka loogu doortey xildhibaan Xasan Albaro oo markaasi ahaa shaqsigii ugu dada weynaa, Isaga ayaana sii heyn doona xilkaasi ilaa laga dooranaayo gudoomiyaha cusub ee baalamaanka koonfur galbeed oo doorashadiisu dhawaan dhici doonto