
Wararka aynu ka helyeno gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay hadda isku diyaarinayaan siddii ay u gaari lahaayeen deegaannada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-shabaab.
Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Sablaale iyo Kuntuwaarey, waxaana qorshaha ugu weyn ciidamada yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Kuntuwaarey oo ah degmada kaliya ee ka maqan gacanta ciidanka dowladda oo Al-Shabaab maamulaan.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.