
Tusaale Shirarka Shalay ilaa Xalay Baydhaba ka dhacay Lafta gareen Qofkaloo masuul ah Kuma wehlin Halka Kooxda Xamar ka imaatay
Wada fadhiyeen Shariif xasan Sidaas Oo kale uu sameyn jiray marka Lama ogaan karo Waxa Ay Si hoose isku afgartaan.
Tusale kale waxa waaye (Shirkii RRA ee isbaheysigii Tuulada BANAANEEY ee Shabeelaha hoose Kacdoonkìsa Lagu Afqabtay Ee Dowladii cabdiqaasim
Heshiiskii (Xasan sheekh Iyo shariif xasan) Iyo Kii (Axmed madoobe Iyo Shariif xasan) Oo labadaba midna 3 gobol meel cidle ah looga tagay 6dii gobol oo Madoobe nuunow madaxda ka ahaa lagu kala diray Halka midna shabeelaha hoose quseeyey Si Aan isbadal ugu keenin Maamulka cusub ee 3da gobol ee Shariif Xasan dhisanaayey taaso dhacday.
Marka meesha ma ahan ganacsi ee waa Dhul Iyo masiir Umadeed Dood la gelinaayo Si Masrax loogu soo fuulo.
Dad ayaa Leh Baarlamaanka Aa la furaa (Taas sax ma ahan) wal walna kama qabo Laakin Waxaan tuhmayaa waxii hore In lafta gareen Uu U xoojiyo.
Waxaana Fariin gaaban u diraa Walaalaha Isku wareerinaya in Dad Aan Dhulkan u dhalan Wax la siinayo hada.
Waxaad moog tihiin in Hada Waxa Ay heystaan ayaa ka badan Waxa Aad Hada ka walwaleysaan
1.Gobolka Sh.Hoose 2 Gudoomiye kuxigeen, Xoghayihii gobolka iyo talyihii qeybta ayey heystaan Hada.
2- 8da degmo ee Gobolka Sh.hoose ilaa tuulooyinka qaar marka Qoryooley oo marxaladaan Hada jirta laga reeebo inta kale Gudoomiye xigeeno Iyo xoghayaha afgooye u dheertahay ayey Ku magaacaban yihiin.
3- Ciidanka Siinka dheer ilaa Daafeed ilaa Baraawe iyagaa jooga Oo magacyo kala duwan wata tan iyo 1991 dii ilaa hada.
4- waxaa Dheer xilalka maaliyadeed amni ee degmo kasta gobolka ah ka heystaan.
Kaabayaal kale waa jiraan Oo an siyaasad quseeynin Kuwaaso qof kasta oo Soomaali ah xaq u leeyahay laakin Saameyn Caksi ah yeelan karta, Sidaas daraadeed Ani waxaan Qabaa in Talo Fayoow Miirqabta La imaano Waaqici ah.
Hadii wada hadal iyo Xuquuq kala raadsasho dhab ah la rabo In Dhabta loo imaado waayo waxaa jirta Qaladaad Soo noqnoqday oo Reer shabeelaha hoose Laga galaayo iyagiina Fiir sanayaan.
Xalka Dhulkaan marnaba ma keeni karo Qof Baydhaba Madax ka ah Kalsooni Umadeedna ku imaan Kana fakaraya Maxaan Ani ka helaa Saameeyn Heer federaal Iyo waxyaabo yar yar Oo kale.
Inta Laga helaayo hogaan goboladan Si Dhab ah u matalaya waxaan qabaa in Laga feejignaado Go’anada Danaha yar ee maanta kaliyah ka turjumaya.
Waa dhab in Shabeelaha hoose Marxalad waaqi ah ka jirto, Laakin Go’aanka ugu danbeeya Umadeeda Aa leh.
Inta ka horeysa In Talooyinka iyo doodaha dhabta ah Socdaan Iyo in Wada jirka Goboladan Kg laga Shaqeeyo.
Mustaqbla wanaagsan baa ii muuqda Dhanka wacyiga dadka ah.
Cabdiraxmaan sheekh maxamed (shaam)