
Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International ayaa qabtay qaad si qaldan maanta la rabay in loo soo geliyo Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaa amartay in la gubo qaadka la isku dayey in sifo sharci darro ah loo soo geliyo Muqdisho sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Gadiidka Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.
Wasiirka ayaa xusay in jaadkaan la isku dayey in lagu soo dhex qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.
Ganacstada qaadka soo dajisato ayaa isku dayey inay ka faa’idestaan fursadda labada maalin oo ay Dowladda Soomaaliya fasaxday duulimaadyada caalamiga, waxayna qaadka kusoo dhex qarinayey buursooyinka iyo Jeegaga lagu soo qaato hilibka oodkaca.